Codkaaga iyo Bulshadaada

Warsidaha iyo Websiteka ee bulshada Soomaalida Manchester

Nuqulka koowaad ee warsidaha SASCA waxaa soo saaray ururka SASCA oo kaashanaya ardayda culuunta saxaafada ka barada jaamacada MMU.

Ku soo dhawoow nuqulka koowaad ee Warsidaha SASCA !

Nuqulka koowaad ee warsidaha SASCA oo uu soo saaray ururka SASCA oo kaashanaya ardayda culuunta saxaafada ka barada jaamacada MMU ayaa looga gol leeyahay in lagu wargeliyo bulshada hadba waxyaabaha ka socoda guud ahaanba dalka UK.

Dave Porter and the team
Dave Porter and the team

Warsidaha oo ka soo bixi doona xarrunta SASCA ee ku taala xaafada Moss Side, isla markaana xogtiisa macluumaadka.lagu ururindoono halkaas, ayaa waxa uu sidoo kale leeyahay Website u gaara oo laga heli karo wararka iyo macluumaadka lagu daabaco wargeeyskan. Isla markaana waxa kale oo lagala soconkaraa bogga Twitter iyo Facebuuga.

Warsidahan oo lagu daabici doona luqadaha Soomaaliga iyo Englishka si loo daboolo baahida wareed ee bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa aan ku hadal luqada soomaaliga,ayaa diirada saari doona arrimaha bulshada sida cayaaraha, waxbarashada, dhaqanka, arrimaha haweenka, dhalinyarada iyo waxkasta oo horumarkeeda umadeenu ku jiro.

Warsidahan oo howsha soo saaridiisu muddo socotay ayaa hirgalay kadib markii hoowlwadeenadiisu tababar ka heleen qeeybta saxaafada ee jaamacada Manchester Metropolitan University oo uu hormuud ka yahay Dave Porter, isaga iyo ardadiisuba waxeey SASCA ka caawiyeen sidii wargeeyskan iyo Websitekaba aay u hirgeli lahaayeen.

Urrurka SASCA wuxuu isku hoowlayaa sidii bulshada Soomaaliyeed u muuqan laheeyd codkeedana loo maqli lahaa, waxaana warsidahan lagu qori doona luqadaha Soomaaliga iyo Englishka si cid walba uga bogato.

Ugu danbeeyntii waxaa la rajeeyneeynaa inaad ku qanci doontaan aqrinta macluumaadka uu xanbaarsanyahay warsidahan.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s