Maamuuska u Maamuuska u Maamuuska u

H ana Mohamed oo ka mid ah somalida magaalada Manchester ku dhaqan ayaa muddo kooban loogu aqoonsaday in ay ka mid tahay haldoorka u adeegayaasha bulshada.

xaflad balaadhan oo dhawaan lagu qabtay hoolka shirarka ee Philip Martin, ayaa Hana iyo labbo qof oo kale lagu gudoonsiiyey shaadad-sharaf loogu maamuusayo sida tabaruca iyo hagar la’aanta ah ee ay ugu adeegaan uguna taageeraan bulshadooda.

Hana oo sanadkii 2012 u soo guurtay magaalada Manchester ka dib markii ay nolasheeda intii hore ay ku soo qaadatay dalka Imaaraadka carab, ayaa shahaadadan loogu aqoonsaday sida firfircoon ee ay umadeeda ugu caawiso xarunta ururka Sasca oo ay ka howlgasho.

Hana Mohamed
Hana Mohamed

“Shahaado-sharaftan la igu maamuusay waxa ay idareensiisay sida bulshadaydu ugu hanweyn tahay taageerdayda iiguna bogaadinayso.” ayey tidhi; hana oo ka waramaysay sida ay u aragto shahaadada la gudoonsiiyey. Waxaanay iyadoo faahfaahin ka bixinaysa sida ay dadka ugu caawiyaan xarunta ururka Sasca ay intaa raacisay “Marka aan sidan u dhagaysto baahidooda ayaan ka caawiyaa bulshadayda ilaa iyo inta aan awoodo, tani mararka qaarkood ma fududa laakiin kalsoonida ay ugu qabaan awgeed ayaa keenta inaan isku taxaluujiyo wax la qabashadooda.”

Hana oo culuunta isgaadhsiinta iyo teknoolijiga ku soo dhigatay jaamacada Hargeysa, ayaa sheegay in markii ay timid wadanka UK ay bartay sida uu u shaqeeyo nidaamka dalkani. “ Markii u horaysay ee aan UK imid aad bay u adkeed meelo badana ma dareemin soo dhawayn.

Balse meeshii u horaysay ee aan soo dhaweyn dareemaa waa xaruntan, sababta ma garanayo” ayey tidhi Hana.

Waxaanay sheegaytay in qorshaheeda mustaq balku uu yahay in ay la sii joogto urarka Sasca, isla markaana sii wado wax ka qabashada baahiyaha bulshada .

 

Wax ka baro dhaqanka wanaagsan ee soomaalida

UJEEdooyInKa warsidaha SaSCa waxaa ka mid ah in lagu baraarujiyo bulshada Soomaaliyeed lana barro da’yarta dhaqanka suuban ee umaddeena qormadeena maanta waxa aanu idiinku soo

gudbineeyna war-bixin si qoto dheer uga waramaysa qaamiha uu marti-soorku ku leeyahay dhaqanka soomaalida oo uu wargeyska siiyey mid ka mid ah waayo araga Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Manchester oo lagu magacaabo Xaaji Cabdi Gurey.

Waxa dhaqan u ah ummada Soomaaliyeed inay si fiican u soo dhaweeyaan sooraana martida lalana wadaagaan wax walba oo markaa reerka loo soo martiyay ay heli karaan.

Mararka qaar waxa dhacda in qof ku soo martiyay iyadoo xilligu uu aad u kulul yahay, lagu jiro abaar, xooluhuna ay gudhanyihiin, iyadoo taasi jirto ayaa hadana waxaa waajib ku ah reerka la soo martiyay inay sooraan soona dhaweeyaan dadka safarka ah ee maciinka soo biday.

Xaaji Abdi Gurey
Xaaji Abdi Gurey

Caadiyan reeraha miyiga degan waxa had iyo jeer soo martiya qof safara oo wadadii ka ambaday ama meesha reerku degan yahay maraya. Martidaasina waxay isugu jiri karaan dad xoolo lumay raadinaya, dad safar dhul dheer ku socda oo reerkaa habeenka u hoyana iyo macaalimiinta qur’aanka doonaya ineey reerahaa baraan. Inaad martidaa ku soo magangashay aad si fiican u marti soortaa goorteey doontaba hakuu yimaadaane waa arrin aad u wanaagsan oo bulshada soomaaliyeed ay ka simantahay meeleey joogtaba.

nolosha dadka reer miyiga ahi had iyo jeer waxa ay ka dharagsanyahiin in xili kasta dad safarka ama marti ah ay u imankaraan sidaasi daraadeed waxa ay iska xil-saaraan sidii ay magacooda iyo

sharaftooda ay u ilaashan lahaayeen oo aanay bulshada ugu dhex ceeboobi lahayn.

Haddii reerku leeyahay geel waxa martida loo qoondeeyaa hal ama labbo halaad oo irmaan si martida loogu deeqo caano, mararka qaarkoodna haddii uu reerku ladan yahay waxa ay martidaa ku sooraan ama u qalaan neef adhiya ama geela hadba inta aay tirada dadka soo martiyay ay leegyihiin.  Xataa hadii uu xiligu xunyahay waxaa waajib ah oo martida la sooro oo la soo dhaweeyo ayadoon loo eegayn qabiilka ama xataa hadii labada reerahoodu colyihiin.

Waxa ay ahayd mid ceebka weyn ku ah dhaqanka Soomaaliyeed in aan la soo dhaweyn ama la soorin qofka safarka ah. Qoyska ama reerka ku kaca falkan fooshaxun ee marti qadiya ama aan gogol u fidini waxa uu ahaa mid sheegan oo ku ceebooba bulshada dhexdooda, had iyo jeerna lagu hadal hayo gooba ayskugu yimaad, marka qaarna lagu xuso suugaanta oo gabo laga tiriyo.

 

A welcoming culture where all guests are respected