Taageero waa u diyaar daryeelayaasha

Inaad caawiso ama aad xanaaneeyso qof qaraabadaada ah, saaxiibkaa ah ama derisba aa tihiin waa wax inteena badan caadi u ah, haddana dadbeey shaqo buuxda ah u tahay.

Hadaba cilmi baaris u sameeyay urrurka SaSCa aya waxa lagu ogaaday in dadka wax daryeelaa ee Soomaalida ah ay u nugul yihiin cudurka isku buuqa (depression).

dhamaadkii sannadkii hore ayaa howlwadeenada urrurka SaSCa iyo mutadawaciin ay kaashanayaan ay sameeyeen cilmi baaris ku saabsan dhibaatooyinka soo wajaha dadka wax daryeelayaasha Soomaalida. Xog-urrurintaa ayaa dadkii la waraystay waxa lagu weeydiiyay adeegyada ay u fidiyaan dadka ay daryeelaan iyo caqabada ay la kulmaan.

“inkastoo aanan wax dhiba u arag inan aabaheey xanaaneeyo, hooyadeeyna u adeego,hadana waa ay ku adagtahay inaan u socdaalo meela kale mas’uuliyada iga saaran howlaha guriga aawadeed.” Sidaa waxaa tiri nadiya abu oo ka mid ah dadkii lagu wareystay xog-urrrurintan.

Sidoo kale Majida oo iyana ka mid ah dadkii ka qeybqaatay cilmibaaristan ayaa tilmaantay in dad badan oo ax xanaaneeyaa ay iska indha tiraana daryeelista caafimaadkooda, taasoo wax u

dhinta fayoqabkooda, mid maskaxeed iyo mid jireedba, isla markaana ay qaarkood qabaan cudurada walwalka iyo isku buuqa.

Cilmibaaristan ayaa daaha ka rogeysa in qaarka mid ah xanaaneeyaasha Soomaalida ay ku adkaatay isku miisaamida nolosheeda bulsheed iyo tan shaqadooda, taas u keentaa in ay ka go doomaan

bulshada inteeda kale. halka kuwa kalena ay had iyo jeer ka cawdaan daal joogta ah hurda la’aan.

Qaar ka mid ah xanaaneeyaasha ayaa walwal ka muujiyay tabbabar la’aanta haysata iyo inaanay garaneeyn cid ay u sheegtaan baahidooda. Warbxintan oo taabaneysa arrimaha

iyo kuwa kalebe ayaa la soo bandhigi doona dhawaan, taasoo macluumeedkeeda lagala xirriiri karo ciwaanadan: SaSCa at info@sasca.org.uk or 0161 227 7966.

 

Ku soo dhawow gacmo furan

Way fududahay in aad arko ama ogaato sababta Farah Caddow uu ururka Sasca ugu aqoonsaday in uu yahay mid ka mid ah haldoorka u adeegayaasha bulshada.

Faarax oo ah aabaha labbo caruur ah ayaa u huray bulshadiisa inuu si mutadawacnimo ah ugu shaqeeyo una taageero, isagoo toddobaadkii labbo maalmood ka howlgala xarunta ururka Sasca ee ku taal wadada Princess Road ee magaalada Manchester

Farah Addo
Farah Addo

Faarax oo ka waramaya sida uu arko shahaadada lagu maamuusay iyo howlaha uu ka qabto xarunta Sasca, ayaa yidhi; “Helitaanka shahaadosharaf waa mid aad qiimo u leh marka aad ku hesho ama lagugu citiraafo taageerada aad bulshadaada u fidisay. Waxa jira dad badan oo waayeel ah oo xarunta Sasca yimaad luuqada ingiriisuguna ku adag tahay ama kumbuyuutarka aan isticmaali Karin sidaasidarteed waxaan ka caawinaa arrimo badan oo ay ka mid ka yihiin; wicista xafiisyada dowlda, shaqo raadinta, balamaha iyo waxkasata oo caawimaad ah oo ay u baahan yihiin.

Iyada oo la siiyo telefoon lacag la’aan ah iyo soo dhawayn diiran.”

 

Dhalinta ayaa keeni karta isbadalka bulsha

“Waxaan ku dhashay dalka Soomaaliya ka dibna anigoo 12 jir ah ayaan imid England. Maadaama aananu meel qudha ku nagaanin waxan soo dhigtay saddex dugsi oo kala duwan oo uu ku jiro mid London ahaa.

Waxaanu ahayn dadka qudha ee ajnebiga ah ee ku nool xaafada Openshaw ee magaalada Manchester, kumana aan haysan asxaab Soomaali ah, sidaa darteed waxaan ku qasbanaa inaan barto luuqada ingliishka, saddex bilood gudahood waxaan bartay inaan sharaxaad ka bixin karo naftayda.

” sidaa waxa tidhi; Ubax maxamed oo ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan magaalada Manchester oo uu waraysi la yeeshay wargayska Sascanews. Ubax oo hadda jaamacada Salford ka barata culuunta kalkaalisanimo ee dhinaca carruurta iyo dayarta ah ayaa iyadoo ka waramaysa hamigeeda mustaqbalka waxa ay tidhi; “Waxaan doonayaa inaan wax fiican uga tagno jiilka oo ay wax qiimaleh inaga dhaxlaan”

Ubah Mohamed
Ubah Mohamed

Ubax oo ka waramaysa sida ay u aragto ururka Sasca oo ay mudo la shaqaynaysay, ayaa tidhi; ‘‘Ku dhawaad labbo sanno ayaan ururka Sasca kula shaqaynayey si tabaruc ah, mashruucayagii u

horeeyeyna waxa uu ahaa xog-ururin loogu magacdiray Rajada Mustaqbalka. Waxaan halkaa kula kulmay howlwadeenada Sasca oo daryeelaya bulshadooda.”

Waxayna intaa raacisay oo tidhi; “aragtidayda, ururka Sasca waxa uu u jiraa inuu taageero bulshada ku dhibasataysan dadka shaqo la’aan iyo arrimaha kale. Laga bilaabo Isniinta ilaa

Jimcaha, waxaa had iyo jeer aad ka helaysaa qof ku caawiya. Shaqo qiimo leh ayey hayaan, taasina waa ta igu dhalisay inaan sii joogo oo aan wax badan la qabto.

Waxaanan filayaa bulshada oo dhami inay mid noqondoonto oo ay wax wada qabsandoonto. ”

Ubax oo gabogabadii ka waramaysa qorshaheeda mustaqbalka, ayaa tidhi; “Marka ay timaado mustaqbalka, waxaan rabaa in aan sameeyo isbadal, haddii ay tahay dhinaca daryeelka caafimaadka

ama bulshadaba. Ujeedadaydu waa marka aad adigu isbadalka keenikarto waa inaanad sugin in qof kale sameeyo. Dhamaantayn waynu wada hamiyi karnaa laakiin waxay tahay in aynu ka shqayno himildeena.

Macalinkayga ayaa yidhaa; ‘haddii aad u malaynayso in aad samayn karto isbedel, waa maxay sababta aad bari u sugaysaa barri, samee maanta’. Waxaa jira caqabado badan oo dayarta hortaagan

waanay fududahay in la niyad-jabo, laakiin haddii aad hesho dad ku aaminsan oo ku taageera, waxa ay noqonaysaa mid sahal ah”

 

Maamuuska u Maamuuska u Maamuuska u

H ana Mohamed oo ka mid ah somalida magaalada Manchester ku dhaqan ayaa muddo kooban loogu aqoonsaday in ay ka mid tahay haldoorka u adeegayaasha bulshada.

xaflad balaadhan oo dhawaan lagu qabtay hoolka shirarka ee Philip Martin, ayaa Hana iyo labbo qof oo kale lagu gudoonsiiyey shaadad-sharaf loogu maamuusayo sida tabaruca iyo hagar la’aanta ah ee ay ugu adeegaan uguna taageeraan bulshadooda.

Hana oo sanadkii 2012 u soo guurtay magaalada Manchester ka dib markii ay nolasheeda intii hore ay ku soo qaadatay dalka Imaaraadka carab, ayaa shahaadadan loogu aqoonsaday sida firfircoon ee ay umadeeda ugu caawiso xarunta ururka Sasca oo ay ka howlgasho.

Hana Mohamed
Hana Mohamed

“Shahaado-sharaftan la igu maamuusay waxa ay idareensiisay sida bulshadaydu ugu hanweyn tahay taageerdayda iiguna bogaadinayso.” ayey tidhi; hana oo ka waramaysay sida ay u aragto shahaadada la gudoonsiiyey. Waxaanay iyadoo faahfaahin ka bixinaysa sida ay dadka ugu caawiyaan xarunta ururka Sasca ay intaa raacisay “Marka aan sidan u dhagaysto baahidooda ayaan ka caawiyaa bulshadayda ilaa iyo inta aan awoodo, tani mararka qaarkood ma fududa laakiin kalsoonida ay ugu qabaan awgeed ayaa keenta inaan isku taxaluujiyo wax la qabashadooda.”

Hana oo culuunta isgaadhsiinta iyo teknoolijiga ku soo dhigatay jaamacada Hargeysa, ayaa sheegay in markii ay timid wadanka UK ay bartay sida uu u shaqeeyo nidaamka dalkani. “ Markii u horaysay ee aan UK imid aad bay u adkeed meelo badana ma dareemin soo dhawayn.

Balse meeshii u horaysay ee aan soo dhaweyn dareemaa waa xaruntan, sababta ma garanayo” ayey tidhi Hana.

Waxaanay sheegaytay in qorshaheeda mustaq balku uu yahay in ay la sii joogto urarka Sasca, isla markaana sii wado wax ka qabashada baahiyaha bulshada .

 

Wax ka baro dhaqanka wanaagsan ee soomaalida

UJEEdooyInKa warsidaha SaSCa waxaa ka mid ah in lagu baraarujiyo bulshada Soomaaliyeed lana barro da’yarta dhaqanka suuban ee umaddeena qormadeena maanta waxa aanu idiinku soo

gudbineeyna war-bixin si qoto dheer uga waramaysa qaamiha uu marti-soorku ku leeyahay dhaqanka soomaalida oo uu wargeyska siiyey mid ka mid ah waayo araga Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Manchester oo lagu magacaabo Xaaji Cabdi Gurey.

Waxa dhaqan u ah ummada Soomaaliyeed inay si fiican u soo dhaweeyaan sooraana martida lalana wadaagaan wax walba oo markaa reerka loo soo martiyay ay heli karaan.

Mararka qaar waxa dhacda in qof ku soo martiyay iyadoo xilligu uu aad u kulul yahay, lagu jiro abaar, xooluhuna ay gudhanyihiin, iyadoo taasi jirto ayaa hadana waxaa waajib ku ah reerka la soo martiyay inay sooraan soona dhaweeyaan dadka safarka ah ee maciinka soo biday.

Xaaji Abdi Gurey
Xaaji Abdi Gurey

Caadiyan reeraha miyiga degan waxa had iyo jeer soo martiya qof safara oo wadadii ka ambaday ama meesha reerku degan yahay maraya. Martidaasina waxay isugu jiri karaan dad xoolo lumay raadinaya, dad safar dhul dheer ku socda oo reerkaa habeenka u hoyana iyo macaalimiinta qur’aanka doonaya ineey reerahaa baraan. Inaad martidaa ku soo magangashay aad si fiican u marti soortaa goorteey doontaba hakuu yimaadaane waa arrin aad u wanaagsan oo bulshada soomaaliyeed ay ka simantahay meeleey joogtaba.

nolosha dadka reer miyiga ahi had iyo jeer waxa ay ka dharagsanyahiin in xili kasta dad safarka ama marti ah ay u imankaraan sidaasi daraadeed waxa ay iska xil-saaraan sidii ay magacooda iyo

sharaftooda ay u ilaashan lahaayeen oo aanay bulshada ugu dhex ceeboobi lahayn.

Haddii reerku leeyahay geel waxa martida loo qoondeeyaa hal ama labbo halaad oo irmaan si martida loogu deeqo caano, mararka qaarkoodna haddii uu reerku ladan yahay waxa ay martidaa ku sooraan ama u qalaan neef adhiya ama geela hadba inta aay tirada dadka soo martiyay ay leegyihiin.  Xataa hadii uu xiligu xunyahay waxaa waajib ah oo martida la sooro oo la soo dhaweeyo ayadoon loo eegayn qabiilka ama xataa hadii labada reerahoodu colyihiin.

Waxa ay ahayd mid ceebka weyn ku ah dhaqanka Soomaaliyeed in aan la soo dhaweyn ama la soorin qofka safarka ah. Qoyska ama reerka ku kaca falkan fooshaxun ee marti qadiya ama aan gogol u fidini waxa uu ahaa mid sheegan oo ku ceebooba bulshada dhexdooda, had iyo jeerna lagu hadal hayo gooba ayskugu yimaad, marka qaarna lagu xuso suugaanta oo gabo laga tiriyo.

 

Ka taxadir caafimaadkaaga

Ma jeceshahay aqristoow in lagaa caawiyo joojinta sigaarka, hurdo la’aanta ama aad u maareeyso walbahaarka oo aad u cuni laheeyd cunto caafimaad leh, isla markaana aad noqoto

qof firfricoon oo caafimaad qaba?

Haddii aad sidaa jeceshahay,urrurka SaSCa oo kaashanaya xeeldeerayaal dhinaca caafimaadka ah oo ku sugan magaaladan Manchester waxay kaa caawinkaraan arrimahaas oo dhan. Faa’idooyinka aad ka heleeyso inaad raashin wanaagsan cunto waxaa ka mid ah: Inay kaa yaraato qatarta cudurrada wadna xannunka, dhiig karka iyo kansarka. Islamarkaana aad u

 dhinto culeeykaaga jireed aayna kuu hagaagaan maqaarka,cidiyaha iyo timahu.

Sidoo kale dhaqdhaqaaq jidheed ee qofku sameeyo waxa laga helaa faa’idooyin caafimaad oo ay ka mid yihiin: hoos u dhaca khatarta wadana xanuunka, dhiig karka, caylida, la dagaalanka saamaynta gabowga, furfurka seedaha, kala-goysyada iyo warwar iyo walaac la’aan.

Sidoo kale faa’iidooyinka laga helo sigaar joojinta ayaa ah in ay yaraato fursad cudurda ku dhaca sambabada, wadnaha, neef-mareenka iyo kansarka, islamarkaana ay keydsanto lacagta

sigaarka lagu iibsan lahaa.

Gasim Maxamed ayaa yidhi: “Haddii aad jeclaan lahayd caawimo iyo taageero dhinaca adeeg Tababaraha caafimaad ah waxaad la xidhiidhaa xarunta SaSCa, ka dibna iyaga ayaa kugu xidhi doona tababaraha caafimaadka oo aad kawada hadali doontaan nooca taageerada aad u baahan tahay iyo yoolka aad jecejashay inaad inaad gaadho.”

waxa kale oo aad kale xidhiidhi karataa telefoonadan

07792 917509 / 0161 636 7512.

 

Sasca oo ku howlan horumarinta danaha bulshada

Sanado badan oo waayo aragnimo ah ayaa waxeey u sahashay bulshada Soomaaliyeed ee Manchester inay hormuud u noqoto is dhaxgalka iyo nabada, taasoo aan ku koobneey oo kaliya Manchester, laakiin ay la wadaagaan dhamaan Soomaalida daafaha dunida ku nool.

SaSCa oo la aasaasay sanadkii 2007 ayna maamulaan dad Soomaaliyeed ayaa la shaqeeyn la leh golaha deegaanka ee Manchester iyo haya’ado badan oo ka howlgala magaaladan.

“SaSCa waxeey ku guuleeysatay inay aas aasto dalad ay ku mideeysanyihiin 6 urrur oo kajiray magaaladan Manchester iyadoo la eegayo danta bulshada Soomaalida.”

Saaxiibo iska uur fiyoow Maxamed Jeylani, (Bidix) guddoomiyaha SASCA iyo Xoghaya
Saaxiibo iska uur fiyoow Maxamed Jeylani, (Bidix) guddoomiyaha SASCA iyo Xoghaya Guud ee SASCA , Mohamed Egeh

Sidaa waxaa yiri guddoomiyaha urrurka SaSCa Mohamed Jeilani. Waxaa kaloo uu Mr Jeilani sheegay in waxyaabaha uu urrurkiisu qabtay muddooyinkii u danbeeyay ay ka midyihiin

xogurrurin ku saabsaneeyd arrimaha la xirriira bulshada Soomaaliyeed ee Manchester sida: Waxbarashada, Caafimaadka iyo dhalinyarada, taasoo aay la kaashanayeen jaamacada Manchester Metropolitan University.

Mr jeilani oo ka hadlayay sida aay hoowlwadeenada urrurkiisu aay ugutaan shaqada xafiiska ayaa yiri: “xafiisku waxaa uu furrunyahay maalmaha shaqada, 10:00 am ka subaxnimo ilaa 2:00 pm

iyadoo bulshada looga caawinayo arrimaha la xirriira socdaalka iyo adeega bulshada oo dhan, sidoo kale xafiisku waxa uu furanyahay 5:00 pm ilaa 11:00 pm iyadoo odoyaasha soomaaliyeed ku

madadaashaan. ”

Sidoo kale Mohamed Egeh oo ah xoghayaha guud ee SaSCa ayaa waxa uu yiri: “Waxaan jeclahay inaan u adeego bulshada oo aan had iyo jeer wax u qabto, iskuna dayo inaan xaliyo wixii dhibaato ah ee jira intii awoodeeyda ah.”

Mr Egeh ayaa waxa kale uu sheegay ineey ka warhayaan inaaneey aheeyn Soomaalida oo kaliya dadka u baahan hoowlaha SaSCa aay qabato taasna waa sababta ayuu yiri aay SaSCa u go’aan satay ineey wax la qabato bulshooyinka kale ee Magaaladan ku nool. Marka laga reebo luqada Englishka shaqaalaha xafiiska SaSCa waxeey ku hadlaan luqado badan sida: Carabiga, Talyaaniga iyo Faransiiska. Mr Egeh ayaa ugu danbeeyntii sheegay inuu rajeeynayo in carruurtiisa aay iyagana mustaqbalka hoowshan sidii wadi doonan.

Mr jeilanu ayaa isagane rajeeynayo in hoowlahooda aay ku baahin doonaan dalka Soomaaliya mustaqbalka dhow.

 

Everyone gets a warm welcome at SASCA

It’s easy to see why Farah Addo was crowned a “hero” by the members of Sasca.

The 34-year-old father-of-two volunteers twice-a-week at the centre on Princess Road and does his very best to support members of the Somali community needing help.

Role model: Farah with two young budding footballers
Role model: Farah with two young budding footballers

He said: “Getting the hero certificate was nice because you get recognition for the support you have given. There are a lot of elderly people who come into Sasca who can’t speak English and we support them with things like calling housing. Some of them don’t know how to use a computer so we give help with that too.

“We also make calls for them to help them make an appointment, for example. Anything that they need help with we can usually provide. We provide free phone calls and they get a warm welcome!”

Young people can make a difference

By Kelly Gkari


Ubah Mohamed had to learn to adapt very quickly when she first came to the UK from Somalia.

Ubah, 21, said: “I was born in Somalia and came to England when I was 12. I went to three different schools, including one in London, since we never stayed in the same area. We were the only foreigners living in Openshaw. I had no Somali friends, so I had to learn English in order to communicate. I learned to express myself in about three months.”’

Ubah is currently studying children and young people’s nursing at the University of Salford, saying: “I want to make things better for the next generation and when they take over, we can leave and let them do their thing.

Ubah Mohamed
Ubah Mohamed

“I’m a volunteer for Sasca community and I’ve been involved for nearly two years now. Our first project was a big research called ‘A Hope for the Future’. I met with a lot of people who work for Sasca and they really look after the community. My view on Sasca is that it is there to support immigrants who find it difficult to get jobs.

“From Monday to Friday, there is always someone there to help you. There is something here that makes me want to stay and do more. I think they are doing a fantastic job and I hope we can meet with other Somali communities, become one and work together.”

When it comes to the future, Ubah says: “I want to make a difference, whether it is in healthcare or the community. My point is that one can make a difference and shouldn’t wait for another person to do it. We can all dream but it’s all about working towards our dreams. My favourite teacher says that ‘if you think that you can make  a difference, why wait for tomorrow ,do it today’. There are a lot of barriers for young people now and it’s easy to give up, but if you find someone that believes in you and supports you, it all becomes more simple.”

Honouring Sasca’s heroes


By Mehran Azam

Hana Mohamed made such an impression on her new home town that within one year of arriving in Manchester she was honoured as a community hero.

The 26 year old, of Chorlton Road was given the accolade by SASCA at a special ceremony to recognise those who do special work among the Somali community.

Hana moved to Manchester in 2012 after living most of her life in the UAE. It was her role as a case worker which led to her being singled out by SASCA.

The ceremony was held at the Philip Martin centre In Manchester, where Hana and three other members of the community were presented with certificates.

Hana Mohamed
Hana Mohamed

She said:  “I helped my community by simply listening to their needs and trying to help as much as I can to meet them; its not always easy but knowing they have faith in me, makes me try the impossible.

“Being honoured by SASCA was emotional for me, knowing that my community feels proud of my contribution makes me feel appreciated.”

Moving to the UK, Hana had to learn the whole benefits system from scratch, after being told her previous qualification would not be recognised in Manchester.

Hana (pictured), who studied information communication technology at a university in Hargeisa, Somalia, said: “Moving to Manchester was very hard at first, in a lot of places I did not feel welcome. The community is the first place I felt welcomed. Why, I do not know.”

  Her future plans are to stay with SASCA and to “achieve more than just the needs of the community but also to unravel their deepest struggles”.

Hana added: “I was raised by a very strong and independent women, my mother, since I am the youngest in my family I was always the one to learn from them and that shaped my personality to what it is now.”